HomeWararDEG DEG:-Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Warsheekh oo la dilay

DEG DEG:-Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Warsheekh oo la dilay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa goor dhow xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Kamaal Sheekhaay lagu toogtay xaafadda Siliga Ameerikaanka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa goor dhow xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Kamaal Sheekhaay lagu toogtay xaafadda Siliga Ameerikaanka ee Wadajir, xili uu halkaas ku sugnaa, isagoona goobta ku dhintay.

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Xildhibaan Cabdiraxmaan Kamaal, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu ku geeriyooday Xarun Caafimaad oo dhaawac ahaan loo geeyay.

Ragii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in laamaha amniga dowladda ay baaritaano ka wadaan halku uu falku ka dhacay oo aheyd Siliga Ameerikaanka.

Maamulka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa weli wax war ah kasoo saarin dilkii Caawa loo geystay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka degmadaas ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa horey uga dhacay dilal kala duwan oo geystay Askar, Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah, waxaana inta badan falalka ka dhacay Magaalada Mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts