DEG DEG:-Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo Shil ku geeriyooday

War Goordhow na soo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland uu ku geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay deegaan ka tirsan maamulkaasi .

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari uu watay Xildhibaanka iyo Gaari kale oo ah nooca Xamuulka qaada,isla markaana waxa uu ka dhacay agagaarka deegaan lagu magacaabo Al-xamdulilaah.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Mirre,waxaana xiliga uu shilka galayay uu ku sii jeeday Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Weli ma jirto wax war oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan geerida Xildhibaan Maxamed Mirre oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media