DEG DEG: Weerar ku bilowday Qaraxyo oo lagu qaaday Guri ku yaalla Muqdisho

Jugta qarax xooggan ayaa dhowr iyo toban daqiiqo kahor waxaa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, gaar ahaan degmada Cabdicasiis, waxaana qaraxa kadib xigay rasaas farabadan oo mar qura isku dhacday.

Qaraxa oo ahaa mid Is-miidaamin ah ayaa waxaa lagu weeraray Guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, waxaana Gurigaas degan sida la tilmaamay Jeneraal ka tirsan ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Garabey.

Warar la helayo ayaa sheegaya in gurigga weerarka lagu qaaday guri ku dhagan lagu dabiibayay ciidan kusoo dhaawacmay dagaalo ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Dabley hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa gudaha u galay guriga, isla markaana waxaa haatan ka socda dagaal u dhexeeya xubnaha Al-Shabaab iyo ciidamo ka tirsan dowladda oo guriga la weeraray ku sugnaa.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, La soco wixii kusoo kordha Insha’allaah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor