DEG DEG:- Wasiirkii Labaad oo ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed oo is casilay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobalka Baay ayaa sheegaya in uu goor dhow is casilay mid ka mid ah wasiiradii uu gelinkii dambe ee shalay uu ku dhawaaqay Madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafata gareen iyada oo horay uu isku casilay wasiir ku xigeenkii Gaadiidka iyo dhulka sidoo kalana ahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulkaas.

Wasiirka Deegaanka iyo duur-joogta Cali Aadan Macali oo ka mid ahaa wasiiradii uu magacaabay Lafta-gareen ayaa manta ku dhawaaqay is casilaadiisa isaga oo u sababeeyay in aan lagala tashan isala markaana aysan u qalmin beeshiisa xilka isaga loo magacaabay.

Shalay ayay aheyd markii uu is casilay wasiir ku xigeenkii wasaaradda Gaadiidka oo isaguna cadeeyay in aan lagala tashan xilkaasna uusan u qalmin deegaanka uu ka soo jeedo sida uu hadalka u dhigay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media