Goordhow ayaa waxaa Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay lagu soo gaba gabeeyey Shirkii Madaxda Dowlad goboleedayda kaas oo mudo Saddex cisho ah ka socday halkaasi.
Shirkaas ayaa waxaa inta badan laga muujinayey walaac maadaama xubno ka mid ah madaxda Dowlad goboleedyada dalka ka jira uu khilaaf kala dhaxeeyo dowladda.
Warmurtiyeedka laga soo saaray shirkaas oo dhowr qodob ka kooban ayaa waxaa ka mid ahaa in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay taakuleynta Ciidamada Maamul Goboleedayda si ay door ugu yeeshaan la-dagaalanka Al-Shabaab.
Sidoo kale qodobada lagu soo hadal qaaday ayaa waxaa ka mid ahaa dhameystirka heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna.
Golaha Iskaashiga dowlad goboleedka waxa ay soo dhaweyeen dadaalada Federaalka Soomaaliya,iyo in dhibaatada amni,iyo mid dhaqaale ee ka jirta dowlad Goboleedyada ay iyagu masuul ka yihiin,isla markaana cid kasta oo ka taageereysa ay heshiis la geli karaan.
Sidoo kale waxa ay goluhu ay walaac ka muujiyeen khilaafka u dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo imaaradka Carabta,iyaga oo dowladda ku eedeeyey in ay dhinac gaar ah la safatay.
Goordhow la socda Warmurtiyeedka oo dhameystiran.