DEG DEG:-Warbaahinta oo loo diiday Goobta dhaarinta Golaha Wasiirada Puntland

Wararka naga soo gaaraya Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow ay bilaabatay munaasabad lagu dhaarinayo Golaha Wasiirada Cusub ee Puntland.

Goobta ay munaasabada ka dhaceyso ayaa wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in loo diIday Warbaahinta Madaxa banaan inay ka qeybagalaan,hayeeshee Wariyeyaasha ka socda tv-ga Maamulka kaliya ay ka qeyb galayaan.

Arrintaan oo aan weli la cadeyn waxa looga gol leeyahay ayaa kusoo aadeysa xilli habeen ka hor markii Madaxweynaha Puntland uu Magacaabayay Golihiisa Wasiirada sidaan oo kale loo diiday Warbaahinta Madaxa banaan inay tagaan goobta lagu Magacaabayay Wasiirada.

Wariyeyaal ku sugan  Garoowe oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen inarrintan ay tahay mid ka cusub Puntland,isla markaana xilligii Madaxweyne Gaas Warbaahinta ay siwadajir ah uga qeyb qaadan jirta shirarka iyo waxyaabaha kale ee uu Maamulka qabanayo.

Sponsered

Comments
Loading...