DEG DEG:-Trump oo Quddus u Aqoonsaday Caasimadda Israa’iil

Madaxweyne Trump ayaa isagoo ka hadlayey aqalka cad wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday in magaalada muranku ka taagan yahay ee Quddus ay tahay caasimadda Israa’iil, go’aankaas oo ah mid meesha ka saaraya siyaasaddii uu Maraykanku ku socday tobanaan sano.

Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaradda Maraykanka laga rari doono magaalada Tel Aviv oo loo rari doono Quddus.

Wuxuu sheegay Mr Trump in go’aankaas aan loola jeedin in Maraykanku uu faraha ka qaaday sidii ay uga go’nayd in nabad waarta laga gaaro bariga dhexe.

Falastiiniyiinta ku nool koofurta marinka Qasa oo hadalkaas aad uga caraysan ayaa gubay sawirka Mr Trump, kan ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo calanka Yuhuudda.

Mr Trump wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay inuu taageero xalka labo dal oo lagu dhameeyo khilaafka muddada dheer ka dhex jiray Israa’iil iyo Falastiin.

In yar ka hor intii uusan go’aankaas ku dhawaaqin ayuu madaxweyne Trump sheegay in tallaabadan ay ahayd inay goor hore dhacdo.

Qaybta qadiimiga ah ee Qasa ayaa gidaar ku yaalla waxaa lagu shiday calanka Israa’iil ka hor intii uusan Donald Trump ku dhawaaqin go’aankiisa.

Sida uu sheegay TVga ABC, waxa aad loo adkeeyey amniga qaar ka mid ah safaaradaha uu Maraykanku uu ku leeyahay bariga dhexe.

Talaadadii ayaa diblomaasiyiinta Maraykanka iyo ee Israa’iil iyo qoysaskooda waxaa lagula taliyey in aysan u socdaalin qaybta qadiimiga ah ee Quddus iyo daanta galbeed “ilaa iyo amar dambe”.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media