War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in dhowr hoobiye ay ku dhaceen meel ku dhow kulyadda jaalle Siyaad degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Madaafiicdaan ayaa la sheegay in ay dhamaayeen ilaa iyo 3 hoobiye laguna weeraray xarunta kulyadda jaalle Siyaad in kasta oo dad goobjoogayaal ah ay Dalsan u xaqiijiyeen in aysan geysan wax khasaare ah.
3-dan hoobiye ayaa la sheegay in ay ku dhaceen garoon ku baddda cagta lagu ciyaaro oo aan sidaas uga fogeyn kulyadda jalle Siyaad
Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar lwaxaa ku soo dhaca madaafiic aan la garan halka laga soo tuuro laakin saraakiisha ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u sheega in ay ku raadjogaan kooxahaas.