DEG DEG:-Taliyihii Saldhiga Booliska Afgooye oo Qarax lagu dilay

Wararka aan ka heleyno duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Qarax lagula eegtay Taliyihii Saldhiga Booliska degmadaas.

Qarax miino nooca dhulka ah ayaa dad Goobjoogayaal ah waxaa ay sheegeen in gaari uu la socday Taliyaha lala eegtay xili uu socdaal ku marayay duleedka Degmada Afgooye.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Taliyaha oo lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Cismaan Mursal uu ku geeriyooday qaraxaas lala eegtay.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoona halkaas ka soo qaaday Meydka Taliye Mursal.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media