DEG DEG:-Soomaaliland oo Xukun ku riday Boqor Buurmadoow

Maxkamadda magaalada Hargeysa ee gobolka Maroodi Jeex ayaa xukuntay Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo dhawaan lagu xiray Hargeysa balse markii dambe  damaanad lagu sii daayay.

Maxkamada Magalada Hargeysa ayaa u fadhiisatay Khamiista Maanta kiiskiisa,waxana ugu dambeyn Boqor Buur Madow lagu xukumay 5 Sano oo Xabsi ah.

Boqor Buurmadow oo kamid ah salaadiinta waaweyn ee Somaliland ayay ciidamada booliiska Somaliland dhawaan xireen waxana la sheegay inuusan iibsan karin xariga balse uu cafin karo Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Eedea ugu weyn ee lagu hesytay Boqor Buurmadow ayaa ah hadallo ka dhan ah Somaliland uu  dhawaan ka jeediyay xaflad lagu Caleemo saaray Beel Daajiye Maxamed taas oo ka dhacday Magalada Carmo ee Gobolka Bari.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media