Ra’iisul Wasaarihii dowladda Japan, Fumio Kishida, ayaa saaka oo Talaado ah ku dhawaaqay inuu is casilay, isaga oo sidoo kalena kala diray golahiisii wasiirrada. Go’aankan lama filaanka ah ayaa yimid kaddib kulan uu Kishida saaka la yeeshay golaha wasiirrada, halkaas oo uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in dhammaan wasiirrada ay sidoo kale xilalkooda banneeyaan.
Xoghayaha Golaha Wasiirrada, Yoshimasa Hayashi, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in is casilaadda Kishida iyo kala dirista golaha wasiirrada ay ahayd mid ku saleysan wadaxaajoodka sare ee dowladda, taasoo looga gol lahaa in loo diyaargaroobo isbeddelka hoggaanka dalka.
Shigeru Ishiba, oo ah siyaasi caan ah oo ka tirsan Xisbiga Liberal Democrat-ka (LDP), ayaa Jimcihii loo doortay guddoomiyaha xisbiga, taasoo ka dhigan in uu yahay musharraxa ugu cadcad ee loo magacaabi doono ra’iisul wasaaraha cusub ee Japan. Waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee Talaadada maanta ah, baarlamaanka Japan uu cod u qaado si rasmi ah loogu ansixiyo Ra’iisul Wasaarenimada Shigeru Ishiba.
Go’aankan ayaa imaanaya xilli Japan ay wajahaysa xaalado siyaasadeed iyo dhaqaale oo adag, waxaana laga filayaa hoggaanka cusub inuu sameeyo dib-u-habeyn ballaaran oo lagu xallinayo caqabadaha horyaalla dalka. Caalamka ayaa si dhow u daawanaya isbeddelkan cusub, maadaama Japan ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu awoodda badan ee dhaqaale ahaan iyo siyaasadeedba saameyn ku leh dunida.