DEG DEG:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Shaqada ka joojiyay Wasiir ku lug yeeshay dhaqida Dollar been ahuur ah

Ra’iisul Wasaaraha  Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Shaqada ka joojiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Khaliif Diiriye Shaakuud.

Wasiir ku xigeenka oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa sababta Shaqada looga joojiyay lagu sheegay kadib soo jeedin ka timid Xeer Ilaaliyaha Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir.

Sababaha ugu weyn ee Shaqa joojinta Wasiir ku xigeenka oo ay Dalsan heshay ayaa ah in uu yahay xildhibaankii dhawaan Hay’adda NISA ay shaacisay in uu howlahooda u fududeynayay Shabakad ku howlaneed dhaqista Dollarka been abuurka ah oo lagu qabtay Garoonka Aadan Aadan-Cadde.

NISA ayaa Shabakada la qabtay waxa ay xilligaas ku sheegtay in xildhibaankaan uu u sahlayay fududeynta howsha ay wateen,sidaasina Maanta Shaqada looga joojiyay,waxaana haatan Su’aalo weeydiinaya Xeer Ilaalinta Qaranka Soomaaliya.

Waa Wasiirkii ugu horeeyay ee ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo Shaqada looga joojiyo arrimo la xiriira ku lug lahaanshaha Shabakad ku Shaqeysan jirtay dhaqida dollar been ahuur ah

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media