Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dhameystiray Wasiiradii ka banaanaa Xukuumadiisa

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Caawa dhameystiray xubnihii ka banaanaa Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa lagu shaaciyey Magacaabista Wasiirada,Gaashaandhigga,Diinta iyo Awqaafta,Maareynta Musiibooyinka,Howlaha Guud iyo Guryenta iyo Tamarta iyo Biyaha.

Hoos Ka Akhriso Magacaabista Wasiirada,Wasiir ku xigeenada iyo Wasiiro dowlayaasha

1: Xasan Macalin Xuseen  Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

2:- Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashaandhigga

3: Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha

4:Cabdi Casiis Cabdullaahi Maxamed Wasiirka Tamarta iyo Biyaha

5:Xamza Saciid Xamza Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka

6:Cabdi fitaax Maxamed Ibraahim Wasiirka Howlaha guud iyo Guryenta.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Magacaabay Wasiir ku xigeeno ka mid noqonaya Xukuumaddiisa kuwaas oo kala ah.

1: Isxaaq Maxamed Maxamuud Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo federaalka

2: Aadan Isaaq Cali Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,

3: Cabdiraxmaan Iidaan yoonis horayna u ahaa Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa waxaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta

4: Maxamed Siciid Cabdullaahi Wasiir ku xigeenka Caafimaadka

5:-Cabdirashiid Maxamuud Xasan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa Magacabay Xubno Wasiiru dowlayaal ah kuwaas oo kala ah.

1:-Daahir Cabdi Cabdullaahi Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha

2:  Maxamuud Maxamed Boonow Wasiiru dowlaha Amniga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media