DEG DEG:-Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax khasaaro badan dhaliyay ayaa ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Baanaadir,waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan qaraxa, kaasi oo jugtiisa si weyn looga maqlay degmooyin iyo Xaaafado ka tirsan Caasimadda.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu su gaar ah uga dhacay Xaafadda Tarabuunka oo ka tirsan Degmada Hodan, gaar ahaan inta u dhaxaysa Isgoyska iyo Isbitaalka Masaarida.

Qaraxa ayaa lala beegsaday sida dad Goob joogayaal ah ay sheegayaan Gaari ay la socdeen Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo goobta marayay, waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan oo dhiamsho iyi dhaawac leh.

Inta la xaqiijiyay Labo ruux ayaa ku geeriyootay, sidoo kale waxaa jira dhaawacyo kale, waxaana dadka ku waxyeeloobay ku jira dad rayid ah oo waddada marayay.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor