DEG DEG:-Qarax ka dhacay Magalada Khardho iyo khasaaro ka dhashay

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax noociisa aan weli la shaacin oo ka dhascay Magaalada Khardho ee Xarunta gobolka Karkaar Maamulka Puntland.

Inta la xaqiijiyey 6 ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxaas,kuwaas oo ku sugnaa Garaaska ay wax ka dhaceen oo ku yaalla Magalada Khardho.

Dadka dhaawacmay oo ka mid ahaa Shaqaalaha Garaashka ayaa waxaa la geeysy Isbitaalka Wey nee Magalada Khrdho si halkaasi loogu dabiibo,sida ay sheegeen Wariyeyaal ku sugan halkaas.

Taliska qaybta booliska gobolka Karkaar iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada ayaa goobta gaarey,iyaga oo shegay in weli ka warbixin Karin balse ay wadaan baaritaan ku aadan qaabkii wax u dheceen iyo waxa sababay.

Wararkii u dambeeyey ayaa waxa ay ku waramayaan in dadka qaarkood uu dhaawacoodu uu yahay mid culus,isla markaana lagula tacaalayo isbitaalka Qardho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor