DEG DEG:-Qarax ka dhacay Magaalada Boosaaso

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa halkaasi qarax  lagula eegtay laba gaadiida ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada Boosaaso.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso,isla markaana waxaa Ciidamada lagula eegtay xili ay ku socdaal ku marayeen Xaafad ka tirsan Boosaaso,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in mid kamid ah gaadiidka qaraxa lala eegtay uu la socday Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari C/xakiin yuusuf Xuseen,inkastoo si dhab aan loo xaqiijin.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa kadib rasaas xoogan ay fureen Ciidamada,taasi oo aan weli la ogeyn Khasaaraha ay geysatay.

Weli sirasmi ah looga oga Khasaaraha ka dhashay qaraxii Caawa lala eegtay Ciidanka amniga Magaalada Boosaaso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media