DEG DEG:-Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Xabsiga dhexe ee Muqdisho

War Gordhow naga soo gaaray Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in halkaasi uu ka dhacay qarax Ismiidaamin ah.

Saraakiil ka tirsan Xabsiga dhexe ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Ruux isasoo miidaamiyay uu isku qarxiyay irida hore ee masjid ku dhex yaala Xabsiga.

Xiliga uu qaraxa dhacayay ayaa la sheegay in lagu jiray Saalada Khubadda,islamarkana ay halkaasi ku dukanayeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda.

Sidoo kale waxaa dad ka agdhow ay sheegeen in qofkii Ismiidaamiyaha ahaa la arkayo qeybta Sare jirkiisa oo kaliya balse intiisa kale uu Go’go’day.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas,waxana halkaasi sidoo kale gaaray Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media