DEG DEG:-Qarax Goordhow lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM

Qaraxaan ayaa ahaa miinada nooca Wadada dhinaceeda lagu aaso,waxana lala eegtay kolonyo ka mid ah ciidamada midowga Afrika AMISOM xilli ay ku socdaalayeen Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Kolonyada AMISOM ayaa xilliga qaraxa lala eegnayay waxa ay marayeen deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho,waxana la sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxaas.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in mid ka mid ah Gawaarida AMISOM uu qaraxaasi haleelay.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in qarax ka dib ay maqleen rasaas ay ridayeen Ciidamada AMISOM ee la qarxiyey.

Faah faahinta Warkaan kala socda Radiodalsan.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor