Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM Qarax lagula eegtay deegaan ka tirsan Gobolkaas.
Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aasay ayaa waxaa Ciidanka AMISOM lagula eegtay xili ay socdaal ku marayeen deegaanka Muuri ee Shabeellaha Hoose, waxaana qaraxa kadib bilowday dagaal toos ah oo u dhexeeya AMISOM iyo Al-shabaab.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan uu haatan ka socdo deegaanka Muuri, isla markaana la maqlayo jugta rasaasta.
Weli lama oga Khasaaraha rasmi ah ee ka dhashay weerarka Qaraxa ahaa ee lala eegtay Kolonyadii AMISOM iyo dagaalka ka socda deegaanka Muuri ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Deegaanka Muuri oo qiyaas ahaan Lambar 50 u jira 6km ayaa waxaa mararka qaar qaraxyo lagula eegtaa Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda xiliyada halkaas ay socdaalka ku marayaan, waxaana Mas’uuliyada sheegta Al-shabaab.