DEG DEG:-Qarax Goordhow ka dhacay Muqdisho

Qaraxaan ayaa jugtiisa inta badan waxaa laga maqlay degmooyinka Waqooyi ee Magalada muqdisho,waxana la sheegay in uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Goob Baakin ah oo ay leedahay Maqaayada lagu Magacaabo Baar Italia oo dhawaan laga furay inta u dhaxeysa Taalada Daljirka Daahsoon iyo hotelka Naasa-Hablood kuna dhegan Kaalin shidaal oo goobta ku taalla,waxaana la arkayay Uuro circa isku shareertay.

Lama oga weli goobta sida rasmiga ah loo bartil maameedsaday,hayeeshee waxaa mararka qaar la maqlayaa rasaas la sheegay inay ridayaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Wararka kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor