DEG DEG:-Qarax Goordhow ka dhacay Muqdisho

Qaraxaan oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyinka Gobolkan Banaadir,ayaa waxaa uu ka dhacay Isgoyska Taleex ee degmada Hodan Gobolkan Banaadir gaar ahaan Premier Bank.

Gaari nooca Qooqanta ama Hilux  ayaa la sheegay in uu qarxay,kaas oo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in qof watay gaarigaas loogu xiray,kaas oo aanan weli la ogeyn.

Isgoyska Taleex oo uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa fariirin ku leh Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,waxaa sidoo kale xilligaan ay tahay goob mashquul badan.

Khasaaro ayaa la soo sheegayaa in uu jiro oo ka dhashay qaraxaas,hayeeshee uu socdo gurmad loo sameynayo dadka ku waxyeeloobay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor