DEG DEG:-Qarax geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Buuhoodle

War goor dhow naga soo gaaray magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa waxa uu sheegayaa in qarax xoogan uu halkaasi ka dhacay.

Qaraxa ayaa waxa wararku sheegayaan inuu haleelay gaari waxana ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 2 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale.

Dadka qaraxa ku dhaawacmay ayaa waxaa ku jira Lataliyihii arrimaha siyaasadda ee ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo lagu magacaabo Cabditaax

Maxamed Cali Illaa iyo hadda lama garanayo in qarax uu ahaa miino dhulka la galiyay ama in gaariga lagu xiray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor