DEG DEG:-Qarax Gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

War hada soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in qarax gaari Goordhow uu ka dhacay qeybo kamid ah Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan Isgoyska Shaqaalaha,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Warar aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaa in qarax jugtiisa laga maqlay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Nawaaxiga uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa isku gadaamay Ciidanka Booliska Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media