DEG DEG:-Nin hubeysan oo weerar ku qaaday Guri ku yaalla Muqdisho

War hada kusoo dhacay Warqabadka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in Nin hubeysan uu weerar ku qaaday Guri ku yaalla Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Nin ku hubeysan qori AK47 ayaa rasaas xoogan ku furay dadweyne badan oo ku sugnaa Guri Mingiska lagu tumo oo ku yaalla agagaarka Masjidka Xaaji Yuusuf ee Degmada Warta-nabadda.

Weerarka lagu qaaday Guriga ayaa waxaa ka dhashay isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana halkaas ku geeriyooday Nin lagu Magacaabi jiray Saleemaan Maxamed Mahdi, halka in kaban 9 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ninkii hubeysnaa uu goobta ka baxsaday, isla markaana waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiray aaga uu falka ka dhacay.

La soco wixii kusoo kordha Insha Allaah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media