Xoghaye Buux”Mooshinkii laga keenay Farmaajo wuu buray

Xoghayaha Golaha Shacabka Cabdi Kariin Buux ayaa xaqiijiyay in uu buray mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo,kadib markii tiradii sharciyan loo baahnaa ee Xildhibaanada aysan gudbin mooshinka.

Qoraal oo Goordhow soo saaray Xoghaye Buux ayuu ku sheegay in Xildhibaano gaaraya 14 Mudane inay soo gudbiyeen dacwad ah in laga been abuurtay Magacyadooda,isla markaana hadii laga jaray 14 Xildhibaan 92 Mudane oo mooshinka keenay ay soo hartay 78 Xildhibaan oo aan sharci aheyn inay mooshin ka keenay Madaxweynaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor