Sawirro:-Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Waare oo loo gudbiyey Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle

Wararka aan Caawa ka heleyno Magalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle ay Guddoonka Baarlamaanka u gudbiyeen mooshin ka dhan ah Madaxweyne Waare.

Wariyeyaal ku sugan Jowhar ayaa waxa ay sheegeen in Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyey Madaxweyne Waare ay gaarayaan ilaa 57 mudane,isla markaana laga aqbalay.

Guddoomiyaha baarlamaanka hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed iyo labadiisa ku xigeen ayay xildhibaanada u gudbiyeen mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha hir-Shabeelle.

Xildhibaanada ayaa Madaxweyne Waare waxa ay ku eedeynayaan inuu gabay Shaqadiisa,isla markaana uu ku mashquulay arrimo kale.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku sugan Magalada Muqdisho tan iyo markii uu ka soo laabtay Shirkii Magalada Kismaayo,waxaana dhawaan uu shaaciyey in dowladda federaalka uu kala heshiiyay tabahashadii uu qabay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor