Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Aadan Madoobe) oo ka mid ahaa Musharixiinta Xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Goordhow ka tanaasulay u tartamida xilkaas.
Inta aysanรย bilaaban codeynta doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayuu Sheekh Aadan Madoobe shaaciyey in uu si iskiis ah uga tanaasulay in uu u tartamo xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.
Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in goordhow la guda geli doono codeynta balse dib loo soo daabacayo Magacyada musharixiinta maadaama uu tanaasulay Sheekh Aadan Madoobe.