DEG DEG:-Madaxweynihii hore ee Yaman Cali Cabdala Saalax oo la dilay

Idaacadda Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee ay maamusho Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa baahiyey in Madaxweynihii hore ee Yemen, Cali Cabdalla Salax lagu dilay magaalladda Sanca.

Sidoo kale, hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maamulka Xuutiyiita waxay ku xaqiijiyeen dilka Cali Cabdalla, oo ay ku tilmaameen inuu Qas ka dhex wado dalka Yemen.

Taleefishinka Press TV ee dalka Iiraan ayaa soo bandhigay Teesaraha Cali Cabdalla Saalax, oo ay sheegeen in laga helay Hoygiisa.

Sawiro la soo dhigay Baraha Bulshada ayaa muujinaya wax lagu sheegay maydka Cali Cabdalla Salaax oo Busto ku daboolan iyo Video muujinaya Askar maydkiisa saarayo dhabarka Gaari xamuul oo dusha ka furan.

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya Geeridiisa.

Xisbiga Cali Cabdalla ee Mu’tamar Al-shacbi (GPC) ayaa beeniyey warar horey u sheegay in Cali Cabdalla Saalax la dilay, waxayna xuseen inuu hoggaaminayo Ciiddankiisa Kooxda Xuutiyiinta kula dagaalamaya Sanca.

Si kastaba ha ahaatee, Cali Cabdalla Saalax kama soo muuqanin meel Fagaare ah, tan iyo markii la sheegay in lagu dilay qarax lala beegsaday Hoygii uu ka deganaa Sanca.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media