DEG DEG: Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Wajahan Gobolka Shabeelaha Hoose

Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa Lagu wadaa in saacadaha soo Aadan ay gaaraan Deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha Hoose.

Ujeedka Socdaalka  Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in halkaasi uu kulamo kula qaadanayo masuuliyiinta gobolka iyo ciidamada xooga dalka soomaaliya ee ku sugan gobolkaasi.

Wariyaha Radio Dalsan Ee Gobolka Shabeelaha Hoose  ayaa soo sheegay in madaxweynaha lagu wado in uu booqdo xero ciidan oo ku taala Laanta Buuro.

Dhinaca kale Wadada isku xerta Muqdisho iyo Afgooye ayaa xeran sababo la xeriira socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor