Deg Deg: Madaxweynaha oo kulan la leh Saraakiisha amniga

Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hada waxa uu kulan kula leeyahay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya.

Kulankaan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa madaxweynaha waxa uu Saraakiisha amniga kala hadlayaa sidii loo dardargelin lahaa amniga Caasimadda kaas oo hada ka wanasgan xiliyadii la soo maray.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay u bilaabi la haayeen howlgal ka dhan ah AL-Shabaab.

Wixii ka soo baxa kulankaas kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media