HomeWararDEG DEG: Madaxweynaha Kenya oo u xaqiijiyay UNHCR ineysan joojin doonin xiritaanka...

DEG DEG: Madaxweynaha Kenya oo u xaqiijiyay UNHCR ineysan joojin doonin xiritaanka Dhadhaab

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor dhaw u sheegay madaxa hey’adda UNHCR ee arrimaha qaxootiga Filippo Grandi in dowladiisa aysan ka laaban doonin go’aanka ay ku xireyso xerada Dhadhaab. Uhuru Kenyatta ayaa ugu yeeray UNHCR in si deg deg ah dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida ah iyo kuwa kaleba dalalka ay markii hore ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor dhaw u sheegay madaxa hey’adda UNHCR ee arrimaha qaxootiga Filippo Grandi in dowladiisa aysan ka laaban doonin go’aanka ay ku xireyso xerada Dhadhaab.

Uhuru Kenyatta ayaa ugu yeeray UNHCR in si deg deg ah dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida ah iyo kuwa kaleba dalalka ay markii hore ka soo tagen.

- Advertisement -

Wafdi ka socda Hey’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa ku sugan magaalada Nairobi si Kenya ay ugu qanciyan in  xilagan aan la xirin xeryaha qaxootiga.

kenya ayaa dhawaan shaacisay iney xiri doonto xerada Dhadhaab marka la gaaro bisha November ee sanadkan.

Ku dhawaad 130 kun oo qaxooti Soomaali u badan ayaa ku noola xeryaha qaxootiga caalamka ugu balaaran gaar ahaan Dhadhaab oo imminka la xirayo sida Kenya ay ku dhawaaqday.

- Advertisement -

Sido kale xerada Kakuma ayaa iyadana shaki weyn la gelinaya,waxaana laga yabaa in Kenya ay xirto xeradan haddiiba la xiro Dhadhaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts