DEG DEG:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo goordhow Baydhabo lagu doortay

Waxaa goordhow lasoo geba-gabeeyay tirinta codadka wareega 1aad ee doorashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka dhacday Magalada Baydhabo.

147 Mudane ayaa codkooda dhiibtay,waxaana tartamay 5 Musharax.

Natiijada Codaynta Doorashada Koonfur Galbeed

Cabdicasis Hassan Lafta Gareen ayaa helay 101 Cod 
Aadan Maxamed Nuur Soransoor ayaa helay 22 Cod
Ibraahim Macalin Nuunow ayaa 5 Cod
Sayid Axmed Sheekh Daahir ayaa 4 Cod

Xuseen Cusmaan Xuseen taliyihii hore ee NISA ayaa helay 3 Cod

Sidoo kale waxaa Xumaaday 13 Cod

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku guuleystay Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen kaas oo 4 Sanno ee soo socota hoggaamin doona Maamulka Koonfur Galbeed

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor