DEG DEG: Madaxweynaha Khaatuma oo Gaaray Magaalada Hargeysa.

Cali Khaliif Galeyr madaxweynaha Khaatuma ayaa gaaray Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland halkaas oo uu uga gudbi doono Garoonka Hargeysa si uu ugu dhoofo Dalka  Jabuuti  oo ay wadahadalada qeybta Seddexaad Khaatuma iyo Soomaaliland uga furmi doonaan Labada Garab.

Madaxda maamulka Soomaaliland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Hargeysa uutagay Galeyr islamarkaana halkaasi lagu soo Dahaweeyey Balse uu sii socdaali doono Jabuuti, waxaana aad loo hadal hayey safarka madaxeynaha khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo ay warar kala duwan kasoo baxayeen Safarkiisa  Tan iyo Shalay waxaana ugu danbeyn uu gaaray Hargeysa iyadoo labada dhinaca wada hadalo ay ku leeyihiin magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti waxaa halkaasi isugu tagi doona labada dhinaca si loo anba qaado wadahadalada Somaaliland Iyo Khaatuma.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media