Madaxweynaha jubbaland oo Isku-shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa Caawa  waxa uu Isku-Shaandheyn  ku sameeyey Golihiisa Wasiirada halka kuwo kale qaarkood uu xilkii ka qaaday.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland.ayaa lagu sheegay in wadatashi uu la sameeyey ku xigeenadiisa  iyo baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Jubbaland in uu isbedel iyo Isku-shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Wasiirada.

Xilka qaadista iyo Isku-shaandheynta Golaha Wasiirada Doowlad Goboleedka Jubbaland ayaanan wax saameyn ah ku yeelan Wasiirada miisaanka culus,sida amniga Arrimaha Gudaha iyo Wasiiro kale.

Hoos Ka Akhriso Wareegatda oo dhameystiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor