DEG DEG:-Laba Askari oo Goordhow lagu dilay Xaafad ka mid ah Muqdisho

Kooxo ku hubysnaa bustoolado ayaa goordhow waxaa xaafad ku taalla agagaarka Warshada Baastada waxa ay ku dileen laba Nin oo la sheegay in ay ka tir sanaayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegen in Labada Askari ee la dilay loogu tegay Gurigooda,isla marakana dadkii ka dambeeyey dilkas ay goobta ka baxsadeen.

Askarta la dilay ayaa waxa ay ka tirsanaayeen Ciidamada Milateriga Soomaaliya sida aan wararka ku helnay,waxana goobta agaray haatan Ciidamo kale oo ka tirsan Milateriga soomaaliya.

Dilka Askartaan ayaa ku soo aadaya xili habeen ka hor degmada Shibis lagu dilay Ruqiyo Abshir Gabbane  ka mid aheyd xildhibaanada Maamulka koonfur Galbeed.

Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media