HomeWararDEG DEG:-Taliye Saadaq Joon oo ku dhawaaqay in la baajiyay kulankii Golaha...

DEG DEG:-Taliye Saadaq Joon oo ku dhawaaqay in la baajiyay kulankii Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Saadaq Cumar Xasan Saadaq Joon ayaa waxaa uu shaaciyay inay joojiyeen kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeelan lahaayeen Xarunta Villa Hargeysa. Taliye Saadaq Joon oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Maanta ay joojiyeen kulankii Xildhibaanada oo ajendihiisu ahaaa ka doodista Mooshinka Doorashooyinka Qaranka. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Saadaq Cumar Xasan Saadaq Joon ayaa waxaa uu shaaciyay inay joojiyeen kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeelan lahaayeen Xarunta Villa Hargeysa.

Taliye Saadaq Joon oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Maanta ay joojiyeen kulankii Xildhibaanada oo ajendihiisu ahaaa ka doodista Mooshinka Doorashooyinka Qaranka.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay in marnaba aan la aqbali karin muddo kororsi loo sameeyo Hay’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday, isla markaana caddeeyay in Caasimadda dalka aan laga abuuri karin amni darro.

“Baarlamaanka maanta waxaa hakinay kulankii ay lahaayeen waxaa loo baahan yahay wax boob ah in aysan dhicin is faham siyaaadeed in la gaaro ayaa loo baahan yahay, afar sano ayaa joogteen, doorsho dib ugu laabta, deegaanadiina dib kalsooni ugu laabta”ayuu yiri Taliye Saadaq John.

Sidoo kale Taliyaha guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ugu baaqay inuu qaato doorkiisa siyaasadeed ee ku aadan doorashooyinka dhacaya, uuna ka qeyb galo shirarka looga hadlayo doorashooyinka.

- Advertisement -

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe uga digay inuu joojiyo hadalada uu jeedinayo, isla markaana uusan sheegin wax loo soo dhiibay, waa sida uu hadalka u dhigay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts