Dhageyso:-:-Kheyre oo Magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska,xilkaa soo uu shalay iska casilay Cabdi Fitaax Ibraahim Geeseey

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa xilkaas loogu Magacaabay Cabdi Aadan Hoosow Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska.

Cabdi Aadan Hoosow ayaa mar soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Cabdi Aadan Hoosow ayaa la faray in uu si deg deg ah ula wareego Xafiiska uu ku Shaqeyn doono.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Aadam Isaaq ayaa Warbaahinta u Akhriyay Wareegtada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor