DEG DEG:-Hoobiyeyaal kusoo dhacay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Jugta tirro Hoobiyeyaal ah ayaa Goordhow laga maqlay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in Hoobiyeyaasha ay kusoo dhaceen meelo aan ka fogayn Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Xaafadaha ku dhow.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Hoobiyeyaasha ay ku dhaceen dhismayaal ku taalla Madaxtooyadda Soomaaliya,kuwaasi oo gaarayay ilaa iyo 3 Hoobiye.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashii lagu gaaray agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya iyo sidoo kale halka laga soo tuuray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media