DEG DEG:-Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida Ethopia oo la Magacaabay

Ka dib shir maalmihii la soo dhaafay ka socday Magalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa ugu dambeyn waxaa shirkaas lagu Magacaabay Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaraadiga Shacabka Soomaalida Ethopia.

Axmad Shide oo ah Wasiirka Isgaarsinta ee Ethopia ayaa loo Magacaabay xilkaas,isaga oo bedelaya Madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo xilkaasi hore u hayey.

Axmed Shide ayaa siiheyn doona Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqaraadiga Shacabka Soomaalida Ethopia,xilli xaalad deganaansho ah laga dareemayo deegaano ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ay rabshado ka dhaceyn.

Isbedelka Cusub ee uu la yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa saameyn ballaaran waxa uu ku yeeshay dalka Itoobiya,iyada oo uu bilaawady dagaal u dhaxeeya Qowmiyada Oromada iyo Soomaalida Itoobiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor