DEG DEG:-Guddoomiye Urur Haween Degmo oo Qarax lagu dilay

War Goordhow soo gaaray Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in Guddoomiyihii Ururka Haweenka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu dilay Qarax.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa uu ka dhacay Albaabka hore ee Guriga Guddoomiyaha Ururka Haweenka Diinsoor, waxaana lala eegtay xili ay ku sugneyd Albaabka hore ee guriga.

Baarliin Haaji Buille ayaa lagu magacaabi jiray Guddoomiyihii Ururka Ururka Haweenka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, waxaana geerideeda xaqiijiyay Saraakiil ka tirsan laamaha amniga degmadaas.

Sidoo kale qaraxaa ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex Caruur ah oo la tilmaamay inay wax u aheyd Baarliin Haaji, kuwaasi oo si Degdeg ah loogula cararay Xarun Caafimaad si looga daaweeyo waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media