War Goordhow soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Guddoomihii Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed uu is casilay.
Gudodomiyaha oo lagu Magacaabo Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan aya shir Jaraa’id uu ku qabtay Magalada Baydhabo waxa uu ku sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay faragelin ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyihii Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ee Maanta is casilay Carfo Ibraahim Aadan ayaa Maanta waxa uu shahaadooyinka musharaxnimo guddoonsiiyay ilaa Saddex musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Warraka ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com