Gabar lagu dhex dilay Jaamacad ay dhiganeysay Magalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Xaafada Baar Ubax ee degmada Howl-wadaag gobolkan Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay Gudaha Jaamacadda Soomaaliya (Uniso) ku dhex dileen Gabar ka mid aheyd Ardayda.

Dad ka agdhow goobta ayaa dalsan waxa ay u sheegeen in rag ku hubeysnaa bustoolado ay galeen Gudaha Xarunta Jaamacadda Soomaaliya (Uniso)ay ku leedahay Baar Ubax,isla markaana ay fasalka dhex diisa ku dileen Gabadha oo lagu Magacaabi jiray Aamina Xuseen Xasan.

xiliga dilku dhacay ayay ardaydu ka soo laabteen waqtiga nasashada ama (Break time)

Macada waxa ay ahaayeen dadka ilka geystay iyo sababta ay u dileen Gabadha ka mid aheyd Ardayda Jaamacadda Soomaaliya taas oo xilligaan baraneysay Kulliyadda Sharciga iyo Qaanuunka,waxaana durba goobta ka baxsaday raggii dilka geystay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,kuwaas oo haatan wada howlgallo baaritaano ah.

Laamaha amniga Soomaaliya iyo Maamulka Jaamacadda Soomaaliya weli kama hadlin dhacdadaas lagu dilay Aamino Xuseen Xasan oo aheyd Ardayad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor