DEG DEG:- Fanaanki weynaa Cabdi Tahliil oo goordhaw geeriyooday

Alle ha u Naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday fanaankii Caanka ahaa ee Cabdi Tahliil Warsame oo muddooyinkii dambe aad u xanuunsanayay.

Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame ayaa la sheegay in uu soo darsaday xanuunkiisa labadii habeen ee lasoo dhaafay isla markaana loola cararay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Muqdisho oo uu ku geeriyooday.

Alle ha u Naxariistee Cabdi  Tahliil Warsame ayaa muddo sanada ah ku xanuunsayay Muqdisho iyada oo aysan jirin gurmad caafimaad oo ay u sameysay dowladda Soomaaliya maadaama uu deganaa EX Fiyoore oo kaabiga ku haya madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ka tacsiyeeyay geeriya Allaha u naxariistee Cabdi Tahiliil Warsame oo lagu xasuusto heeso badan oo hirgalay o uu qaaday kuwaas oo ilaa iyo haatan aan laga daalin dhageysigooda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media