DEG DEG: Diyaarad Masar laga leeyahay oo si deg deg ugu degtay Uzbekistan

Diyaarad nooca rakaabka ah oo Masar laga leeyahay ayaa goor dhaw si deg deg ugu degtay dalka Uzbekistan kadib markii la helay hanjabaad sheegeysa in bam uu ku jiro diyaarada.

Ugu yaraan 118 oo rakaab ah iyo 17 shaqaalaha diyaarada ah ayaa saarnaa diyaaradan,waxaana la xaqiijiyay in dhamaantod si nabad gelyo ah looga soo bixiyay diyaarada oo deg deg dhulka u soo degtay.

Telefishinka Aljazeera ayaa sheegaya  in saraakiisha dhinaca hawada ee uzbekistan ay xaqiijinayan amniga diyaarada balse rakaabkii diyaarada ay nabad qaban imminka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor