Rag hubeysan ayaa degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir waxa ay Goordhow ku toogteen  Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Askariga ayaa waxaa lagu diley suuqa degmadaasi Hiliwaa,waxaana lagu magacaabi jiray Liibaan waxaana uu ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliya,iyadoo raggii dilka u geystay ay ka baxsadeen goobta.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Dalsan  u sheegeen in ay horay u sii qaateen qorigii uu watey Askariga ay dileyn.
Ciidamo ka tirsan Dolwada Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,isla markaana goobta ka qaaday Meydka Askariga,waxaan haatan socda baaritaano ay wadaan ciidamada,iyaga oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyey dilkaas.
Dilalka loo geysanayo Askarta dowladda ayaa Magalada Muqdisho mar walba ka dhaca,waxana dilkaas sheegta mas’uuliyadooda Al-Shabaab.