DEG DEG:-Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho

Nin la sheegay in uu ka tirsanyahay Ciidanka dowladda ayaa Dil ka geystay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Iskuulka Yaaqshiid oo ku dhow saldhiga Booliiska,waxaana dilkaas loo geystay Haweeney ka mid aheyd dadka deegaanka sida ay xaqiijiyeen ehelada gabadha la dilay.

Allaha u naxariistee gabdha dilka loo geystay ayaa lagu magacaabi jiray Fardowso Abuukar Maxamed waxaana ay wada murmeen askariga oo markii hore korkeeda rasaas ka riday, kadibna ay ka dalbatay in uu ka leexiyo Bastooladda uu xabadda ka riday,isaga oo intaas kadib toos ugu soo aadiyay madaxana kaga toogtay.

Fardowso Abuukar Maxamed oo ah marxuumadda la dilay waxa ay aheyd xaas leh caruur yar-yar,eheladeeda ayaana Dalsan u sheegay in loo qaaday meydkeeda xarunta dembi barista ee CID-da ee Magaalada Muqdisho.

Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday xili markii hore ay yimaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaana ciidanka Booliiska ee degmada,dadka deegaanka ayay dhacdadaan ku noqotay mid argagax leh waxaana ay sheegeen in ay aad uga naxeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media