DEG DEG:-Dil goordhow ka dhacay Magalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa goordhow waxaa ay dilka geysteen qeybo ka mid ah degmada boondheere ee Gobolkan Banaadir.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay maqaaxi ku taalla ka soo horjeedka Isbitaalka lagu Magacaabo kulmiye oo ku yaalla degmada Boondheere,waxana goobjoogayaal ay sheegeen in goobta ka baxsadeen dadkii dilka geystay.

Kooxaha oo ku hubeysnaa bustoolado ayaa la sheegay in dhowr Xabadood ay ku dhufteen Ruux fadhiyey goobta maqaaxidaha ah oo Magaciisa lagu soo koobay Cali,isla markaana isla goobta uu ku geeriyooday.

Weli lama oga waxa uu yahay qofka la dilay iyo sababta loo dilay,waxana wararka nasoo gaaraya ay sheegayaan in xaalada goobta dilka uu ka dhacay ay tahay mid lagu kala cararay.

Goordhow kala socda faah faahinta Warkan Radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media