Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaasi lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Jubbaland.
Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ka tirsan Magaaladaas,isla markaana waxaa Askariga dilka u geystay kooxo ku hubeysnaa Bastoolado,waxaana xiliga la dilayay uu ku sugnaa Bar koontarool oo Ciidamada Booliska ku leeyihiin halkaasi.
Kooxihii hubeysnaa ee dilkaas ka dambeeyay ayaa waxaa la sheegay inay si deg deg ah goobta ugu baxsadeen Mooto nooca Soomaalida u taqaano laba lugaaleyda oo wateen.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Jubbaland ayaa goobta uu falka ka dhacay ka qaaday Meydka,isla markaana waxaa intaasi kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay rideen Ciidamada.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Ciidamada Booliska Jubbaland Caawa halkaasi ay ka wadaan howlgal culus oo lagu raadinayo ragii ka dambeeyay dilkii loo geystay askariga ka tirsanaa Ciidamada maamulkaas.
Xalay ayay aheyd markii gudaha Magaalada Kismaayo lagu dilay Nabadoon Caan ahaa,kaasi oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabduqaadir Ibraahim Xasan, ,waxaana dilkiisa ka hadlay Madaxda sare ee maamulka Jubbaland.