DEG DEG:-Darawal Mooto Bajaajle ah oo lagu dilay Muqdisho

War Goordhow naga soo gaaray Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Dalsan u sheegay in dilkan uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Banaadir,isl markaana uu geystay Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Isbitaal Banaadir ee ku yaalla Hodan ee Gobolka Banaadir.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa yaalla Meydka Darawalka loo geystay dilkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiliga uu dilka dhacayay ku sugnaa halkaasi ayaa gacanta ku dhigay Askarigii ka dambeeyay dilka Darawalka Mooto Bajaajleha ahaa

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media