War goordhow soo gaaray Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa waxa auu sheegay in Isgoyska Zoobe ee Magalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah darawalada Mooto Bajaajta.
Dilkaan ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo watay Gaari,iyaga oo rasaas ku furay darawalka mooto Bajaajta,isla goobtiina uu ku geeriyooday.
Qof ka agdhawaa Isgoyska Soobe ayaa inoo sheegay in Wadada ay aheyd mid ciriiri ah,isla markaana Gaariga ay waten ciidamada dowladda uu wadada ka xirmay,isdaasna ay rasaasta ugu fureyn darwalkii mooto Bajaajta.
Goobta ayaa waxaa haatan gaaray ciidamo kale oo ka tirsan dowladda,kuwaas oo qaaday mydka darawalka mooto Bajaajta.
Wixii kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com